Maamulka Soomaaliland oo ka Hadlay Safarka Gaas ee Sanaag  iyo Xiisad Cusub oo Curatay!!

Reading Time: < 1 minute

Maamulka Gooni isku taaga ah Ee Somaliland ayaa waxa ay ka hadashay socdaalkii degmada Badhan ee gobolka Sanaag uu ku tagay madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas), halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Safarka  Gaas ayaa waxaa lagu sheegay horumarinta degmada, inkastoo siyaasiyiinta ay ku macneeyeen olole uu ugu jiro inuu soo laabto, si uu kalsooni uga helo xildhibaanada laga soo doorto degmada Badhan.

Kulan uu shir gudoominayay madaxweynaha Somaliland ayaa waxa isugu yimid masuuliyiinta Somaliland oo sidoo kale ay ku jiraan xisbiyada mucaaradka ah iyo kuwa muxaafadka ah, waxayna ka hadleen socdaalka madaxweyne Gaas.

“C/wali Gaas wuxuu ku soo xad gudbay xuduuda Somaliland, waxaan u aragnaa arrintaasi xad gudub qaran, iyada oo arrintan ay la socdaan caalamka, dhibaatadii ka dhacday Sool dhawaan waxay ka dambeysay socdaalkii Wasiirka qorsheynta Soomaaliya, waxaan u aragnaa gardaro dagaal oo ay nagu soo qaadeen dowladda iyo Puntland”. Ayuu yiri madaxweyne kuxigeenka Somaliland.

C/raxmaan Seylici  Madaxweyne kuxigeennka Somaliland ayaa wuxuu sheegay in socdaalka degmada Badhan ee madaxweyne Gaas inuu yahay daan daansi dagaal oo ay si wadajir ah u wadaan dowladda federaalka iyo Puntland.

Wuxuu intaas raaciyay dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Sool inuu ka dambeeyay kadib socdaalkii wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan uu ku tagay degmada Badhan.