Maamulka Somaliland oo Ku Dhawaqay In Ay Hakiyeen Wada Hadalada ay La Furi La Hayen Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay hakin ku samaysay wadda hadaladii dhex mari lahaa Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirka arimaha dibada somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo warbaahinta kula hadlay xarunta golaha wakiilada ayaa sheegay inaanay jirin duruuftii saamaxaysay in dib loo furo wada hadalka.

Wasiir Sacad ayaa sheegay inay mudo bil ah dib u dhigeen wada hadalkii ay la yeelan lahaayeen dowladda Soomaaliya.

Waxaa jirta Xiisad ka dhalatay Heshiiskii Dekedda Magaalada Berbera ee Somaliland oo dowladda Soomaaliya ay kasoo horjeesatay.