Maamulka Sare ee Madaxtooyada oo Qorshenaya Xil Ka Qaadista Wasiirka Amniga& Xil Ka Qaadistisa oo Sababtay Khilaaf Ka Dhex Dhashay Madaxtoyada

Reading Time: < 1 minute

Warar soo baxaya aya shegaya in maamulka sare ee madaxtooyada ay qorshenayan in xilka laga qaado wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow oo dhabarka lo sariyay dhibatadi xalay ka dhacday magaalada muqdisho.

Shirar aya la shegaya in madaxtoyada uu ugu socda maamulka sare ee dalka waxana wararku ay shegayn in shirkaasi loga yeeray wasiir isloow oo an hada halkaasi ku sugneen.

Ilo ku dhaw madaxtoyada ay shegaya in la isku qilaafsan yahay casilaadiisa, iyado shaqsiyadka ku dhaw xafiiska madaxweynaaha ay donayan in uu xilka sii hayo Wasiir Islow,halka Raisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu donayo in Wasiirka Xilka laga aado.

Wasiir isloow oo tan iyo marki xilkaasi lo magacaabay ay dalka ka dhaceyn qaraxyo culculus oo galaaftay nolosha boqolaal ruux oo shacab aha ayanan ku dhiiran in xilka uu iska casilo.

Dayacada ka jirta amanka magalada muqdisho aya sababta in xiliyada ay dhacayan qaraxyada lala beegsado xarumaha dadku inta badan isu yimadan ama goobaha saxmadooda ay badan tahay taasi kooxda Argagixisada ah ay dooneyso in dad badan ay halkaasi ku dhibateyso.

Waxana wax badan in la iska weydiiyo ah halka gawaaridasi lagu keydiyo iyo wadoyinka ay soo maraan madama jidadka xaafadaha aad ay lagu xiray dhagxaan,waxa ayna taasi muujineysa in uu dayacan yahay amanka magaalada caasimada ah ee muqdisho.