Maamulka Sare ee Hirshabeele oo qirtay in Aysan Wax Ka Qaban Karin Werarada Al Shabaab&Cabsi Amni oo Ka Tagan Deganada Maamulkasi

Reading Time: < 1 minute

Modoyinki u danbeyay waxa si kordhayay weerarada al shabab ay ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ay ku leeyihin Hirshabeelle,sido kale kooxda al shabab waxa ay qaraxyo ku asaasan wadoyinka muhiimka ah sida wadada so gasha Muqdisho.

Iyado qatarahasi amni ay jiraan aya waxa Sheekh Cusmaaan barre Maxamed Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle ayaa Dowladda dhexe ka codsada in maamulka Hirshabeelle kala shaqeyso sugida amnka deganada hirshabele.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab mudooyinkii dambe ay dhibaatooyin ka geysanaayeen inta u dhaxeysa wadooyinka Magaalooyinka Balcad iyo Jowhar sidoo kale wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.

Waxa uu tilmamay in wadooyinkaas bilooyin ka hor ay si amni ah u isticmali jiren xildhibaanada iyo madaxda Hirshabeelle balse hada ay ka jiraan qataro amni iyo weeraro iyo qaraxyo Al-Shabaab ay ka geystaan.