Maamulka Putland Oo Sheegay in khilaaf Kala dhaxeeyo wasaaradda Kalluumeysiga

Reading Time: < 1 minute

Cabdiwali Gaas madaxweynaha Maamul Goboleedka Putland ayaa eedeey kulul ujeediyay Wasaradda Kalluumeysiga ee Xukumada Fedaraalka Soomaaliya, Gaas ayaa xusay in khilaaf xoogan uu kala dhaxeyo Wasaraadda Kalluumeysiga waxuuna tilmaamay in wax wada shaqeyn ah aysan kala dhaxeynin Maamulkiisa.

Sidookale Cabdiwali Gaas ayaa sheegay in khilaafka kala dhaxeeyo Wasaaradda Kaluumeysiga uu la xiriiro hishiis ay horay uwada gareyn Wasaaradda, waxuuna intaas ku daray in Wasaardda kaluumeysiga uu wasiir ka yahay nin aad udhib badan, isagooona tibaaxay in hadii hishiiska Kalluumeysiga ay wada gaareyn dowlada dhaxe iyo dowladaha xubnaha ka ah hadii uu fulin waayo Wasiirka in aysan yeeli doonin ayna go’aan ka qaadan dooanan.

Cabdiwali Gaas ayaa hadalkan ka horjeediyay  Rw Khayre oo boqasho ku joogo Magaalada Garowe  ee xarunta u ah maamulka Putland, waxaana laga yaba in marka khayre muqdisho ku soo laaabto xilka qaadis ku sameeyo Wasiirka Kalluumeysiga.