Khilaafka u Dhaxeeya madaxda Sare Ee Dowlada iyo Maamul Goboleedyada dalka ka jira ayaa waxaa uu marayaa halkii ugu sareeysay,waxaana hada ayu muuqataa in xaalku sii Qaraaraanaayo.
Cabdi Cali Xirsi ‘’QARJAB’’ oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa Waxaa uu sheegay in Wasiiradda Maamulkaasi ayna u socdaali Karin Magaalada caasimada ah Ee Muqdisho Ilaa iyo Amar-Dambe.
Wasiirku waxaa uu sheegay sababu in ay tahay in maamulka Puntland ay xiriirka u jareen dowladda Dhexe ee Soomaaliya,islamarkaana ay muhiim tahay in la dhaqan geliyo Go’aankii Madaxda Maamul goboleedyadda.
“Waa la joojiyay in la isu gudbo Wasiirada xamar ma tagi karaan shir kama qeyb geli karaan, illaa la heshiiyo”ayuu yiri Wasiir Qarjab.
Maamulka Puntland ayaa kol hore waxaa ay sheegeen in ay si buuxda Xariirka ugu jareen Dowlada dhexe ka dib Go’aan mid ah oo ay qaateen Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada dalka ka jira