Maamulka Puntland oo qaadacay Sharci muhiim ah oo Labada Gole ay meelmariyeen

Reading Time: < 1 minute

Puntland, ayaa si qaadacday Sharciga Batroolka Soomaaliya, oo ay meel-mariyeen labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Sharciga Batroolka uusan waafaqsaneyn mabaadi’ida ku xusan Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, gaar ahaanna qodobkiisa 44-aad oo qeexaya in qeyb-siga Khayraadka Dabiicig ah uu noqdo mid ku dhisan Wada-xaajood dhexmara dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka.