Maamulka Puntland oo ku eedeeyay RW Kheyre in uu u yimid Gaalkacyo IGU SAWIR (Daawo)

Reading Time: 2 minutes

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi la socday oo maalmahanba ku sugnaa Galmudug ayaa galabta tagay dhanka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo oo ka tirsan Puntland, balse dhanka kale dhalisay khilaaf soo kala dhex galay maamulka Puntland & RW Kheyre

Mid ka mid ah wasiirada Puntland oo la hadley saxaafadda aya ku eedeeyay RW Kheyre in uu ka leexday soo dhaweyntii loo sameeyay kana door biday in uu u tago dhalinyaro loo diyaariyay oo uu wasiirka ku sheegay dhaqan fool xun oo reer Muqdisho ay u yaqaaniin IGU SAWIR.

Sida ay ilo wareedyo ka tirsan madaxtooyada Puntland u xaqiijiyeen MOL, MW dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku gacan seyray inuu Ra’iisul wasaaruhu booqdo Waqooyiga Gaalkacyo, balse Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii ogaaday galabta in dhallinyaro is abaabulay ay ku sugayaan garoonka Kubbadda Cagta ee Cawaale waxa uu go’aansaday inuu tago, isaga oo aan ogolaansho weydiisan Deni.

Khayre iyo wafdigiisa ayaa galabtay u tallaabay waqooyiga Gaalkacyo ka dib Markii uu dhanka koofureed ee Gaalkacyo ku sugnaa labadii maalmood ee la soo dhaafay. Khayre ayaa muddo sugayay in loo ogolaado booqasho uu ku tago dhanka waqooyi, waxaana uuna qorshaynayey in uu laba habeen ku hoydo halkaas, balse Puntland ayaa diiday in khayre uu caaway ku hoydo madaxtooyada waqooyiga Gaalkacyo, sababo la xiriira in ogolaansho la’aan iyo qaab tuugaysi ah uu garoonka gaalkacyo ku abaabushay dad gaaraya Shan boqol oo uu halkaas kula hadlay.

Garoonka Cayaaraha Gaalkacyo ayaa laga jartay korontada markii la ogaaday khayre inuu halkaas soo galay, sidoo kale waxaa isku sigtay ciidamo ilaalo u ahaa khayre iyo ciidamada ammaaanka puntland, ugu danbeyn khayre ayaa loola soo cararay halkii uu ka deganaa koofurta Gaalkacyo, ayadoo lagu wado jnuu berito ka huleelo magaalada Gaalkacyo.

Hadalka kasoo yeeray maamulka Gaalkacyo oo ku xiran madaxweyne Deni ayaa loo arkay mid si dadban loogu sheegayey in Kheyre uu magaalada iska soo galay iyada oo madaxweyne Deni uu arrintan diidanaa.

Arrintan ayaa imaneysa xilli uu aad u xun yahay khilaafka ka dhex oogan maamulka Puntland iyo dowladda federaalka mana cadda tallaabada xigta ee ay Puntland qaadi doonto.

Halka hoose ka daawo