Maamulka Puntland oo Ka Hadlay Howlgal Ka Dhacay Deganada Buuraleyda ee Maamulkaasi

Reading Time: < 1 minute

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ayaa Howlgal gaar ah oo shalay ay ka fuliyeen Buuraleyda degaanada Dha-dhaabo iyo Ceeldibir ee Buuraha Cal Madow Puntland ayaa waxa ay sheegeen intii Howlgalkan uu socday in Ciidanka ay dileen Saddex ka tirsan ururka Al-Shabaab, tiro kale oo intaa ka badana ay gaarsiiyeen dhaawacyo.

Waxay kaloo saraakiishu sheegeen in ay gacanta ku soo dhigeen laba Maxbuus oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, kuwaas oo loo gudbiyey xabsiyada magaalada Boosaaso.

Hawlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ciidamada PSF-ta Puntland wadaan ayay saraakiishu sheegeen inay sii socon doonaan ilaa Al-shabaab laga soo afjarayo lagana xoraynayo Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.Ururka Al-shabaab ayaa labadii bil ee ugu dambeysay waxa ay kordhiyeen weerarada iyo qaraxyada ay ka geysanayaan Puntland, inkastoo Puntland ay wado Howlgallo falalkaasi looga hortagayo.