Maamulka Mandheera Oo Sheegay Iney Qaadayaan Talaabo Al Shabaab Lagu Suulinayo

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha Magaalada Mandheera Cali Roobow ayaa sheegay in ay sare u qaadayaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Gobolka Soomaalida ee ay Kenya maamusho.

Mr Roobow oo boqolaal Ciidan,dadweyne iyo siyaasiyiinta ka soo jeedda Gobolka la hadlayay ayaa sheegay in howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab kaddib dib loofurayo goobaha laga qodo Kaawada,suuqyada qaar iyo meelo kale oo muhiim ah oo ay Iskuullo ka midyihiin.

Cali Roobow ayaa sheegay in Al-shabaab ay qatar ku yihiin dadnimada iyo Dowladnimada Kenya loona baahanyahay in la iska gacansiiyo sidii looga adkaan lahaa.

Guddoomiye Cali waxaa uu sheegay in gudaha Soomaaliya ay Al-shabaab ku beegsato dadka Soomaalida ah laakiin Kenya ay Ciidamada amaanka ku beegsadaan muwaaddiniinta iyaga oo xarig,jirdil iyo gabood falla kaleba u geysta waxaana uu ugu baaqay in si loo helo wada shaqeynta shacabka ay Ciidamada amaanka ka fogaadaan waxyeelleynta dadka aan waxba galabsan.

Xildhibaan Bashiir Cabdullahi oo ka mid ah Guddiga difaaca iyo xiriirka dibadda ee Baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in marna aan la qaadan karin in iyada oo Ciidanka Kenya ka dagaallamayaan gudaha Soomaaliya in Ciidamada kale ee Kenya ay waxyeello u geystaan dadka degaanka halkii ay ahayd in ay amaankooda sugaan

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!