Maamulka Magalada Gaalkacyo qeybta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa amar kusoo rogay Shacabka Magalada Gaalkacyo kaas oo la xiriira dhismaha dhulalka.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Duqa degmada Gaalkacyo qeybta Galmudug XersiYuusuf Barre ayaa lagu amray Shacabka Magalada inay fasax kasoo qaataan Dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo xiliyada ay wax dhisanayaan.
Dadka hadda wada howlaha dhismaha ah ayaa la faray inay Maamulka degmada ku wargeliyaan,isla markaana ay Sharciga tagaan si aan loosoo faraglin,cidii ka dhega adeegto amarkaas ayaa lagu wargeliyay in tallaabo laga qaadi doono.