Maamulka Madaxweyne Farmaajo oo Iska Indha Tirtay Go’doonka Heysta Shacabka Buula Burde

Reading Time: < 1 minute

Maamulka Degmadda Buula-burde ee Gobolka hiiraan ayaa sheegay in go’doon ay wali ku jirto degmadaasi.

Gudoomiye Degmadda buula-burde ee Gobolka Hiiraan C/raxmaan Daahir Guure ayaa sheegay in go’doonkii ay Al-shabaab saareen sanado ka hor degmadda ay wali ku jirto.

Waxa uu sheegay in dhowrkii bari aynu soo dhaafnay degmadda ay ka dilaaceen cuduro kala duwan,wuxuuna ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaliya in aysan gargaar gaarsiinin dadka degmaddaas ku nool.