maamulka jubbaland oo soo bandhigay xubin sare oo katirsaneeyd ururka al shabaab

Reading Time: < 1 minute

Maamulka Jubbaland ayaa Maanta degmada Afmadow ee Gobolka gobolka Jubbada Hoose waxa ay kusoo bandhigeen Nin ay sheegeen in uu ka tirsanaa Al-Shabaab,balse isku-soo dhiibay.

Ninka isku-soo dhiibay Jubbaland ayaa waxaa Magaciisa lagu sheegay Xuseen Cabdullaahi Maxamed,waxaana Goobta lagu soo bandhigayay ku sugnaa Saraakiil ka tirsan ciidamada Jubbaland.

Saraakiishu waxa ay sheegeen in Ninkaasi uu mudo Shan Sanno ah ka tirsanaa Al-Shabaab,isla markaana uu ka howlgeli jiray tuulooyin hoostaga degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in Ninkaas oo ah wiil Dhalinyaro ah uu Al-Shabaab uu ku biiray xilli uu ku sugnaa degmada Jilib ee  gobolka Jubbada Dhexe.