Maamulka Jubbaland oo soo bandhigay waxyaabaha Qarxa

Reading Time: < 1 minute

Ciidanka hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka Dowad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa la sheegay in howlgal ay sameeyeen ay kusoo saareen Miinooyin lagu Aasay xaafad ka tirsan Magaalada Kismaayo.

War kasoo baxay Nabadsugida Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas laga fuliyey Xaafada Madiina ee Magaalada Kismaayo,halkaas oo ay degan yihiin dad u badan barakacayaal ah.

NISA Jubbaland ma sheegin dad ay kusoo qabteen howlgalkaas Miino baarista ah,waxaana ku eedeeyeen Al-Shabaab inay miinooyinkaas doonayeen inay dadka ku dhibaateeyaan.

Ciidanka hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka Dowad Goboleedka Jubbaland ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay u soo bandhigeen miinooyin dhowr ah oo lagu soo saarey howlgallo laga fuliyey Magaalada Kismaayo iyo tuulooyin hoostaga.