Maamulka Jubbaland oo sheegay in ay dileen xubno sare oo Al-shabaab ka tirsan

Reading Time: < 1 minute

Maamulka Jubbaland, ayaa sheegay hawlgal qorsheysan oo ka dhacay Gobolada Jubbooyinka & Gedo inay ku dileen xubno ka tirsanaay Ururka Al Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maamulka Jubbaland Cabdi Nuur Ibraahin ayaa sheegay hawlgalkaasi oo ciidamada Jubbaland ay fuliyeen in laga gaaray guulo muhiim ah.

Xilli uu Warbaahinta kula hadlaayay Magaalada Kismaayo ayuu sheegay in hawlgalka laga sameeyey deegaannada Cabdala Biroole, Yaaq Bishaaro iyo deegaano kale oo hoostagga degmada Jamaame.

Waxa uu sheegay in howlgaladaas guulo kale oo waaweyn laga gaarey, sidoo kalena ay Ciidamada dileen Afar Xubnood oio ka tirsan Al-Shabaab kana qabsadeen saanad Millateri sida uu hadalka u dhigey.

Ma jirto ilo wareedyo ka madax banaan Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland oo xaqiijinaya in la dilay afar xubnood oo ka tirsanaay Shabaab.

Gobolada Jubbooyinka muddooyinkii dambe waxaa ka socday dhaq dhaqaaq Ciidan oo ay wadeen maamulka Jubbaland & Ciidamada Kenya.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!