Maamulka Jubbaland oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Ururka Al Shabaab

Reading Time: 2 minutes

Shirkaan ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam waxa uu shalay Gelinkii dambe ka furay Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland iyo saraakiil ka socotay talisyada labaad, seddexad iyo lixaad ee Ciidamada Midowga Afrika ee  AMISOM.

Shirkaas ayaa intiisa badan waxaa looga hadlayay horumarka dhanka ammaanka ee sanadkan 2018 laga sameeyay Jubbaland,dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo guud ahaan amniga xilligaan ee deegaanada Jubbaland

Sidoo kale shirkaasi waxaa lagu go’aamiyay in la bilaabo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab kaas oo la isugu furayo wadooyinka degmooyinka Kismaayo iyo Jammaamme,Af-Madoow iyo degmadda Kismaayo.

La taliyaha dhanka ammaanka ee madaxweynaha Jubbaland General Cabdi Mahdi ayaa sheegay in awooda Al-Shabaab ay xilligaan noqotay mid sii yaraaneysa loona baahan yahay in looga faa’iideesto.