Maamulka Jubbaland oo Isku Dayaya in La Xaliyo Xiisada Ka Taagan Xadka Soomaaliya Iyo Kenya

Reading Time: < 1 minute

Maamulka Jubaland ayaa wada qorshe ay ku doonayaan in wafdi ay udiraan xadka udhexeya Dalalka Kenya iyo Soomaaliya gaar ahaan gobolka Gedo.

Wafdiga jubaland ayaa waxaa la filayaa in maanta ay gaaran magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, xubnaha maamulka uu dirayo ayaa waxaa ka mid ah Wasiiro uu ka mid yahay Wasiirka Wasaarada Amniga, wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha oo ay wehlinayaan Xildhibaano laga Soo Doortay Dhanka Gobolka Gedo.

Maamulk Magaalada Mandheera ayaa la filayaa in ay kulan la qaadandoonan si ay kaga wada hadlaan Dhul balaarsiga ay Dowlada Kenya ku sameyneyso Dhanka Xadka Soomaaliya iyo xisada ka dhex tagan Cidanka Kenya iyo Shacabka Balad xaawo.

Kenya waxa ay hore usheegtay in ujeedka dhismaha Darbiga uu yahay sidii ay kaga hortagi laheed weerarada ay Al-shabab ku qaadaan Gudaha Dalkeeda.