Maamulka Jubbaland oo Iska Diiday Ka Qayb Galka Shirweynaha Dasturka ee Muqdisho Ka Furmaya

Reading Time: < 1 minute

Xubno Socda maamulka Jubbaland ayaa maanta soo xaadirin Shirweynaha ka furmay Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Jubbaland Aadan Ibraahim Aw Xirsi ayaa sheegay in aanan ka qeyb gali doonin shirka looga hadlayo Arrimaha Dastuurka ee maanta ka Furmay Magaalada Muqdisho.

Hase yeeshee, wasiirka ayaan sheegin Sababaha rasmi ah ee uu maamulka Jubbaland ku diidan yahay shirka oo ay u qaadaceen.

Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland ayaa xaqiijiyay in ay shirka kaga baaqdeen Khilaaf u dhaxeeya dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka Jubbaland.

Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin go’aanka Wasaaradda Dastuurka Maamulka Jubbalnad ay ku sheegtay in aanan ka qeyb galin shirka loogaga hadlayo arrimaha Dastuurka.