Maamulka Jubbaland Oo Bayaan Kasoo Saaray Isqabqabsiga Dhulalka

Reading Time: < 1 minute

Wareegto Maanta oo Khamiis ah ka soo baxday baxday xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Jubbaland Maxamed Shiikh Cusmaan ayaa waxaa lagu mamnuucay go’aan ka gaarista kiisaska la xiriira isqabqabsiga dhulalka.

Wareegtada ayaa waxaa la ogeeysiiyey laamaha Amniga iyo Maamulka,waxaana lagu amray ciddii dacwad qabtaa inay u aado Hay’adaha Garsoorka iyo Guddiga xalinta khilaafaadka.

Deegaanada Jubbaland ayaa waxa uu ka mid yahay meelaha ugu badan oo ay ka dhacaan isqabqabsiga dhulalka,iyada oo dhowr mar ay dagaalameen maleeshiyaad isku-heysta dhulal.