Maamulka Jubbaland ayaa mar kale waxa ay ka hadleen Arrinta ku saabsan Wasiirka Amniga Maamulkaasi C/rashiid Janan oo u xiran dowladda Federalka Somaliya.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in Cabdi Rashiid Janan uusan aheyn dambiile,isla markaana Madaxda Dowladda Federaalka looga baahan yahay inay siideyso.
Waxa uu sheegay Wasiirka inuu leeyahay xasaanad islamarkaana xaq aanan loogu laheyn in lagu xadgudbo oo la xiro, sidoo kalena arrintaasi ay tahay xadgudub wayn.
Wasiir Ku xigeenka Arrimaha gudaha Maamulka Jubbaland ayaa sheegay wixii ka dhasha xirnaanshaha Wasiirkooda Amniga inuu qaadayo Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.
Dowladda Somaliya ayaa 31-kii Bishii August ka xirtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Wasiirka Amniga Jubbaland xilli uu halkaasi transit ku ahaay, tan & waqtigaas wuxuu u xiran yahay dowladda Somaliya.
Kiiska C/rashiid Janan loo haysto ayaa wuxuu yahay inuu gaystay tacadiyo ka dhan ah shacabka kaasi oo ka dhacay Gobolka Gedo.