Maamulka isbitaal Madiina oo Musuq Maasuq lagu eedeeyay+Dhageyso

Reading Time: < 1 minute

Maamulka guud ee Isbitaal Madiina ayaa lagu eedeeyay inuu ku tagrifalo Awooda,iyadoona la sheegay in si sharci daro ah uu shaqada kaga buriyay Gabar ka mid aheed shaqallaha Isbitaalka.

Siyaasiga Axmed Baasto ayaa ku eedeeyay Agaasimaha Isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho inuu ku tagrifalo awooda Maamul,Sidookale Siyaasiga ayaa sheegay in haweney ka mid aheed dhaqaatiirta isbitaalka uu si sharci daro ah kaga buriyay shaqada Agaasime Maxamed Yuusuf oona wado musuq maasuq.

Axmed Baasto ayaa sheegay in arintaan ay gaartay Maxkamadaha dalka waxuuna xusay in ilaa afar mar ay maxkmad xukuntay Maxamed Yusuuf oo ah Agaasimaha isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Maxamed yuusuf oo aynu isku daynay  inaan la xiriirno  si aaan wax kaga weydiino arinkan lagu eedeeyay ayaan ka  jawaabin Taleefanka.

Halkaan ka Dhageyso

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!