Maamulka Hirshabeelle oo si kulul uga hadlay weerarkii dhabagalka ahaa ee Ururka Al Shabaab ku beegsadeen Ciidamada Dowladda

Reading Time: < 1 minute

Abbaara duhurkii kaddib ee shalay ayaa Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed gaar ahaan Guutada 1aad oo ku safrayay jidka u dhaxeeya Gololeey iyo Balcad waxaa Weerar Gaadmo ah ku qaaday dagaalyahano Al-shabaab sugnaa Tuulooyin ka tirsan Degmada Balcad.

Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa Al-shabaab waxey rasaas ku fureen Gaadiid ay la socdeen Ciidanka oo Marayay Xilligaasi goob Lagu Magacaabo ILBAQ oo ka tirsan deegaanka Gololeey ee Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka oo si weyn isaga caabiyay Al-shabaabkii Weerarka kusoo qaaday ayaa waxaa soo gaaray khasaaro aad u yar, iyada oo Al-shabaab Khasaaro Adag kala Kulmeen Weerarkaasi.

Ammaanka goobta lagu dagaallamay waxaa Xilligan Gacanta ku hayo Ciidanka Xoogga Dalka Qeybta Hirshabelle,waxaana si Nabad Galyo ah dib ugu dillowday isku socodka gaadiidka ee Jidka xiriiriya Gololeey iyo Balcad ee dowlad Goboleedka Hirshabelle.