Maamulka Hirshabeelle oo Shaaciyay Khilaaf soo kala Dhex-galay DFS (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa si hoose usoo shaac baxaayay khilaaf ka dhex aloolsan maamulka hirshabeelle kaasi oo hada banaanka iskeenay.

Wasiir dowlaha Wasaaradda Ganacsiga Hirshabeelle Maxamed Yuusuf Colow ayaa Warbaahinta u sheegay in Khilaaf cusub uu soo gala dhexgalay dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle.

Khilaafkaan ayaa yimid ka dib markii dowlada dhexe ee Soomaaliya ay bixin weysay Dhaqaallihii loogu tala galay maamulka Hirshabeelle.

Dadbadan ayaa waxaa ay aaminsan yihiin in Madaxweyne maxamed cabdi ware uu horay u iibsaday sharafkii Maamulkaasi.