Maamulka Hirshabeelle oo Aqalka Sare U Gudbiyay Cabasho la xariirta  Muran Xaduudeedka Gobolka Banaadir Iyo Maamulkaasi!!

Reading Time: < 1 minute

Dowlad-gobolleedka Hirshabeelle ayaa cabasho ka dhan ah maamulka gobolka Banaadir u gudbiyay Guddiga Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Maamulka wuxuu ka horyimid qorshaha lugu doonayo caasimadda Muqdisho in lugu hoos-keeno labada Wabi ee Afgooye iyo Balcad, arrinta oo qayb ka ah qorshaha ballaarinta.

Daa’uud Xaaji Cirro  Afhayeenka dowlad-gobolleedka Hirshabeelle, ayaa sheegay qorshahan inuu ka hor imaanayo dastuurka Hirshabeelle, si arrinta looga hortagana ay u gudbiyeen Aqalka sare cabashadooda.

Qorshaha lugu ballaarinayo Muqdisho wuxuu soo shaac-baxay maalin ka hor ,markii guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho uu la kulmay guddiga madaxa bannaan ee xuduuddaha iyo Federaalka, iyagoo ka wada-hadlay ballaarinta Muqdisho.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Yariisow ayaa kulanka ku soo bandhigay baahida loo qabo in Muqdisho ay sii ballaarato, maadaama xilligan ay ku nool yihiin tiro aad uga badan waqtiyadii hore, waxaa kalo u xaqiijiyay marka in bulshada caasimaddu ay tallo ahaan u soo jeediyeen in la gaarsiiyo labada Wabi ee Balcad iyo Afgooye.

Muran dhinaca xaduudda ah ayaa horey sannadkii 2014 wuxuu u dhexmaray maamulka Koofur-galbeed iyo caasimadda Muqdisho, kaddib markii maamulka gobolka Banaadir uu burburiyay tabeelo laga taagay agagaarka deegaanka Jaziira oo muujinayay inay ka tirsan tahay maamulka Koofur-galbeed.