Maamulka Hir-Shabeelle oo qorsheynaya in gobollo iyo degmooyin hor leh la hirgeliyo

Reading Time: < 1 minute

Sheikh Cismaan Barre Maxamed Guddomiyaha baarlamanka Hir-shabelle ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaye oo uu siiyey radio kulmiye ee Muqdisho waxaa uu kaga hadlay Xaalada amni,shaqada golaha shacabka hir-shabelle horyaalla iyo arrimo kale oo muhim ah.

Ugu horeen Guddomiye Barre ayaa waxa uu sheegay  in Xukuumada Hir-shabelle ay diyaarineyso qorshe cusub oo Gobolo iyo Degmooyin Cusub loogu soo kordhinayo Maamulka Hir-shabelle,waxaana uu intaasi raaciyey in hir-shabelle ay leedahay Degaano u qalmo degmooyin.

Isagoo sii hadlaye Guddomiyaha baarlamanka Hir-shabelle Sheekh Cismaan Barre ayaa sheegaya in Golaha baarlamanka uu muddo wajahay xaalad amni darro iyo mushaar la’aan Xildhibaanada heyssatay,islamarkaasina wali ay caqabad ku tahay shaqadii baarlamanka Maamulkaasi.

Maamulka Hir-shabelle ayaa ah Maamulka Caqabado badan wajahay oo ay ugu horeysay mid amniga oo masuuliyiin badan maamulka Al-Shabaab ay kaga dileen Weeraro dhabagal ah.