Sida ay sheegayaan warar hoose oo ay heshay MOL nin Itoobiyaan ah ayaa loo magacaabay Maamulka Hawada ee Soomaaliya,iyadoo taasi ay dhalisay muran iyo welwel ka dhex taagan Villa Soomaaliya,
Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo hawada Xukumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (oomaar) ayaa dalka Morocco heshiis labo sano ah kula soo galay nin u dhashay dalka Ethiopia kaasi oo gacanta ku heeyn doono Maamulka Hawada.
Ninkaan oo ku shaqeeyn doono lacag aad u badan ayaa waxaa ku xigeen u ah nin kale oo u dhashay isla dalka Ethiopia ,waxaana hoos imaan doono dhamaan dhaqaallaha laga helo Hawada Soomaaliya.
Arrinkaan ayaa waxaa uu buuq-xoogan ka dhex dhaliyay Villa Soomaaliya sida loo xaqiijiyay MOL ,waxaana qaar ka mid ah saaxiibada kheeyre ay soo jeediyeen in walba ku xigeenka laga dhigo nin Soomaali ah waloow laga biya diiday.
Wel-welka xoogan ee umadda Soomaaliyeed ay ka baqaan in Ethiopia saameeyn xoogan lagu yeelaato ayeey tani qeeyb ka tahay