Gudoomiye Ku Xigeenka Arimaha Bulshadda Ee Gobolka Hiiraan shiikh Xusseen Cusmaan Cali ayaa waxaa uu sheegay in laga cabsi qabo mar kale in uu Wabigga Shabeelle Fatahaad uu sameeyo islamarkaana uu Saameeyo Magaaladda Baladweyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Wareeysi uu siiyay Warbaahinta ayuu sidoo kale waxaa uu Dowlada Federaalka ah Ee Soomaaliya Ugu baaqay in ay kasoo qeeyb qadato Arimaha Samata-bixinta Dadka Ku Hooy Beelay Fatahaada Wabigga Shabeelle.
Magaalada Baladweyne waxaa wali aan dib ugusoo laaban dadkii ka bara-baxay ka dib Biyo wabigga kasoo Butaacay oo qaaday Guryahooda,waxaana hadda ay ku nool yihiin Keeynta halkaasi oo ay Deegaansanayaan