Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Amaro Dul Dhigay Maamulada Iskuulada Ku Yaala Magaalada Balweyne

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar( Dabageed) ayaa Warsaxaafadeed uu soo saaray waxa uu amar dul-dhigay Maamulada Iskuuulada ku yaalla Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dhammaan Maamulayaasha Iskuulada Baladweyne ayaa lagu amray in laga bilaabo Taariikhda 3/10/2018 oo shalay aheyd amarkaas ay dhaqan geliyaan,isla markaana Iskuulada looga baahan yahay inay ka taagaan Calanka Somalia iyo kan Hir-Shabeelle.

Wareegtadaan oo uu ku saxiixan yahay guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu sheegay in cid allaala cidii amarkan fulin weysa tallaabo sharci ah laga qaadi doono.