Maamulka Gobolka gedo oo eedeeyn kulul ujeediyay Ciidamada kenya

Reading Time: < 1 minute

Iyadoo wali qalalaase xoogan oo dadka shacabka ah iyo Maamulka jubbaland u dhaxeeya uu ka taagan yahay deegaanada Gobolka gedo ayaa waxaa arimahaasi ka warbixiyay Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga Gobolkaasi.

Cusmaan Nuur Xaaji waxaa uu sheegay in ay hada xaalada aad u wanaagsan tahay islamarkaana ay go’aan ku gaareen dhageeysiga cabashada shacabka oo aan xoog lagu maquunin.

dhanka kale waxaa uu eedeeyn u jeediyay Ciidamada kenya ee ku sugan gobolka gedo kuwaasi oo uu sheegay in ay mararka qaar shacabka dhibaateeyaan taasna ay dhalisay gadoodkooda