Axmed Xalane oo ah Falanqeeye Arrimaha Siyaasadda Iyo Amnigga ayaa waxaa uu sheegay in amniga Gobolka banaadir Dowlada Soomaaliya ay Dayac-day islamarkaana aana masuuliyad aan la iska saarin,waxaa uu intaasi ku dary in Muhiimadii amniga lagu bedelay mida canshuur aruurinta.
Maamulka Gobolka Banaadir ayuu ku Eedeeyay Falanqeeye Axmed Xalane in uusan daneeynin xaqiijinta Amnigga Gobolka banaadir islamarkaana dhaqallaha kazoo galo Canshuurta uu halbeeg ka dhigtay taasna ay sababtay in dilalku sii bataan.
Dilal kala duwan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho oo dadka wax dilaya ay duubeen qabka ay u fuliyeen dilkaasi ayuu ku tilmaamay mid dhiiranaan ah oo qofka wax dilay uusan ka baqdin qabin in lasoo qabto.
Axmed Xalane waxaa uu ku nuux-nuuxday dayac balaaran oo uu sheegay in uu ka jiro Amniga Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Dalka,sidoo kale waxaa uu xusay in dilalka ka dhacay dalka gaar ahaan kuwa muuqalada laga duubaayo in ay welwel iyo niyad jab ku riday caalamka daneeyo arimaha Soomaaliya.
Qaladaad badan oo ka jira Gobolka banaadir ayuu ku baaqay in la xaliyo,sida in amniga lagu wareejiyo Maamulka Gobolka Banaadir oo laga bixiyo gacanta Taliska,hadii ay taasi dhacdo ayuu tilmaamay in ay yaraanayaan dilalka dhacaya.
Dhanka kale masuuliyiinta Dowladda ee waajibku ka saran yahay amniga ayuu sheegay in ay ku mashquulsan yihiin,wax uu ugu yeerey ‘’FADLAN ILAALI KURISIGAAGA’’
Axmed Xalane oo ah Falanqeeye Arrimaha Siyaasadda oo sii wata wareeysigga uu siiyay warbaahinta ayaa mar kale tilmaamay in amniga caasimada hadii loosoo jeesto Lagu xaqiijin karo 90-cisho
Hadalka Axmed xalane ayaa waxaa uu imaanayaa xili dilalka qorsheeysan ay kusoo bateen Magaalada Muqdisho iyadoo Ciidamada ,amnigu joogaan isgooys walba.