Iyado maanta ay Muqdisho ku dagaalamayn Ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Dowlada Soomaaliya aya waxa sii kordhaya Xiisada Dagaal ee dhex marta Ciidanka kawada Tirsan Dowlada Soomaaliya.
Gudoomiyaha guddiga Arimaha Bulshada ee Aqalka sare baarlamaanka Soomaaliya Axmed Macalin Nuur Axmed Nadiir ayaa sheegay in shacabka ku nool degmada Dharkeynley ee gobolkaan Banaadir ay dhibane u yihiin dagaalo u dhaxeeya ciidamo kawada tirsan Dowlada Soomaaliya oo ka dhaca degmadaasi.
Xildhibaan Axmed ayaa sheegay in isku dhacyada dhax mara ciidamada dowlada ay salka ku hayan dhulkii Dowlada ee degmadaasi ku yaalay, sida Jaamacadii Gaheyr, Warshadii xergaha iyo saamaha, dhulkii xanaanada Xoolaha oo hadda ay dagan yihiin dad shacab ah.
Gudoomiyaha guddiga Arimaha Bulshada ee Aqalka sare baarlamaanka Soomaaliya Axmed Macalin Nuur Axmed Nadiir ayaa shegaya in ay kula xisaabtami doonaan maamulka degmada iyo kan gobolkaba dhacdooyinkaan soo laab laabta ee ka dhaca degmooyinka gobolkaan Banaadir.
Tan iyo bilowashada Sanada Cusub ee Sanadkaan aya waxa sii kordhaya Dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Dowlada dhexdooda taasi oo ku dhacda wax ka qabasho la aan.