Maamulka Garbahaarey oo shirkadaha diyaaradaha ugu digay iney soo qaadaan guddiga qiimeynta. Sabab?

Reading Time: < 1 minute

Mas’uuliyiinta ugu sarreeysa Maamulka degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka gedo ayaa guud ahaan Shirkadaha diyaaradaha waxaa ay uga digeen inay degmada keenaan Xubnaha Guddiga qiimeynta Garbahaareey uu u Magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Guddoomiye kuxigeenka amniga & Siyaasadda degmada Garbahaareey ayaa sheegay in diyaaradii soo qaada Guddiga wixii ka yimaada mas’uuliyadeeda ay iyada qaadeyso, taas oo runtii ah gef weyn oo ay tahay mas’uulkaas iyo cidda la aabtaaba lagu maxkamadeeyo.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku darayaan in ka maamul ahaan ay ka hortagayaan waxkasta oo ka hor imaanayaa heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii September iyo is-afgaradkii Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Guddiga uu hoggaaminayo Cumar Dhageey uu yahay mid sharciga baalmarsan, isla markaana aysan aqbaleyn inay Garbahaarey tagaan, wuxuuna sicad u sheegay in Garbahaareey horay loo qiimeeyay doorashana lagu qaban karo.

Sababta dhabta ah ayaa ah in haddii guddiga uu tagi waayey oo ay jirto cid amarka RW dalka diidi kartaa ay muujineyso inay tahay degmo aysan dowladda Somaliya ka talin, wax doorasho ahna aan lagu qaban karin, ilaa laga xoreynayo koxda haysata.

Arrimaha khilaafka Gobolka Gedo ee u dhaxeeya Villa Somalia iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa noqday caqabad, iyada oo Magaalada Garbahaareey ay yaallaan 16 kursi oo la filayo in la qabto doorashadooda.

Farmajo ayaa raba inuu awod ku qaato kuraasta qabiilkiisa kuwooda dega Gedo.

Arrinkan ayaa muujinay meesha uu Farmajo dalka gaarsiiyey iyo foolxumada uu reer Gedo u soo jiiday.

Qiimeyntu waxay ku caddahay haddii aanu guddiga tagi karin inaysan nabad ahayn oo ayba sidaas ku qiimeysan tahay.