Maamulka Galmudug Oo Wareegto Kasoo Saaray Jarista Dhirta

Reading Time: < 1 minute

Wareegto ka soo baxday Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa lagu mamnuucay jarista dhirta iyo ka Ganacsiga ee deegaanada Galmudug,iyada oo digniin loogu diray dadka ku howlan jarista Dhirta.

Waxaa lagu sheegay Wareegtada in laga bilaabo  31/8/2018 cidii lagu arkaa,iyada oo ku howlan jarista dhuxusha iyo ka Ganacsiga tallaabo laga qaadi doono.