Maamulka Galmudug oo Sheegay In Dhawaan Ay Qabandonan Shir Weyne Heshiisiin Ah

Reading Time: < 1 minute

Maamulka Galmudug ayaa faah faahiyay shirweyne maalmaha soo socdo la filayo in loo qabto ddka ku nool Magaalooyinka Cabudwaaq iyo Cadaado ee gobolka Galgaduud kaas oo looga hadli doono arrimo dhowr ah.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayaa sheegay in shirweynahaas uu noqon doono mid looga hadlayo arrimaha dib u heshiisiinta maadaama degmooyin badan oo gobolkaas ah ay horay dagaalo uga dhaceyn.

Waxa uu sheegay in shirweynahaas uu furmi doono Maalinta Isniinta ah oo ku beegan 5 Bishaan Maarso sigaar ahna loogu qaban doono Magaalada Cabduwaaq,isla markaana ay ka qeybgeli doonaan Waxgarad ka kala socda Magaalooyinka Cadaado iyo Cabudwaaq.