Maamul Goboleedka Galmudug ayaa ku guuleystay in ay xaliyaan khilaafkii kala dhaxeeyey Maamulka Ahlu Suna Waljamac ayagaa aan wax garab ah ka heleyn Xukuumadda Kheyre.
labada dhinac ayaa gaaray Heshiis hordhac ah ayagoo dhawaan gaari doono heshiis dhameystiray taas oo guul weyn u noqon doonto Maamulka Galmudug.
Maamullada Galmudug iyo Ahlu suna ee madaxdoodu ay ku shirayaan magaalada Jabuuti ayaa la shaaciyey inay gaareen heshiis is-faham guud ah.
Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay gaareen Heshiis hordhac ah, isla markaana ay harsan yihiin qoddobo muhiim ah sida awood qeybsiga labada maamul.
Qodobadda lagu heshiiyay ee guud waxaa ka mida:
1- In Magaca Galmudug la wada qaato, iyadoo Ahlu suna ay ka tanaasushay magacii dowlad Goboleedka Gobollada Dhexe.
2- In Ahlu suna ay si rasmi ah uga mid noqoto maamulka Galmudug.
3- In Ahlu suna ay xubno isugu jira xildibaanno iyo wasiiro ku yeelato maamulka Galmudug
4- In Ahlu suna loo magacaabo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug, Guddoomiyaha Gobolka Mudug, iyo taliyeyaal iyo ku xigeenada taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug Mudane Xaaf ayaa gaaray guul muhiim u ah shacabka reer Galmudug asagoo kolkii hore ka adkaaday isku daygii duminta Galmudug ee ay waday Xukuumadda Xasan Cali Kheyre.