Maamulka Galmudug oo ku fashilmay Qorshe Al-shabaab looga Saari Lahaa Deegaanadda ay Maamulkaasi ka Joogaan!!

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Dhuusamareeb Ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa ka dhacay Kulan looga arinsanaayay sidii Al-shabaab looga saari lahaa Degmooyin hoos tagga Gobolka Galgaduud oo ay gacanta ayaa lagusoo waramayaa in uu dhamaaday Natiijo La’aan.

Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya kuwa Maamulka Galmudug ayaa halkaasi ka dhacay sido kale waxaa goob-joog ahaa Ciidamo mareeykan ah iyo kuwa amisom.

Kulankaasi oo qorshahiisa ahaa in laga xaajoodo qaabka Al-shabaab looga saari karaayo,Ceelbuur.Ceeldheer,Galcad iyo Deegaano badan wax is afgarad ah oo kasoo baxay ma jirin,waxana arinkaasi loo sababeeynayaa Maamulka Galmudug oo aan lasoo shir imaan qorshe cad.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa dhoowr jeer ku baaqay  in Al-shabaab laga saaraayo deegaanada ay joogaan,hase’yeeshee wax ka dhaqan galay ma jiraan,