Maamulka Galmudug ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii kasoo yeeray wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ee ahaa in doorashada Galmudug ay ku dhaceyso waqtigii lagu balamay.
Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Galmudug Axmed Shire Maxamed oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in hadalka wasiirka uu yahay mid la doonayo in lagu burburiyo maamulka Galmudug ee hadda dhisan.
Wuxuu sheegay inaysan diidaneyn doorasho ka dhacdo deegaanada Galmudug, balse doorashada ay dhaceyso marka uu dhamaado waqtiga Baarlamaanka Galmudug ay doorteen madaxweyne Xaaf.
Madaxweyne Xaaf iyo Sheekh Shaakir ayaa dhawaan waxa ay sheegeen in Galmudug ka dhaceyn wax doorasho ah, isla markaana Madaxda Galmudug uu waqtigooda ku egyahay sanadka 2021 halka Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in Bisha July ee sanadkaan doorasho la qabanayo.
Maamulka Galmudug ayaa tan iyo markii la dhisay waxaa uusan laheyn sal fadhiya, iyada oo ay soo mareen laba Madaxweyne sida Cabdi Kariin Xuseen Guuleed uu xilka iska casilay halka Madaxweyne Xaaf uu wajahaya khilaaf dhinaca dowladda kala dhaxeeya.