Maamulka G/Hiiraan oo ka hadlay cabsi ka jirta Baladweyne

Reading Time: < 1 minute

Wabiga Shabeelle ee mara Gobolka Hiiraan ayaa markale waxaa laga cabsi qabaa in  uu bilaabo fatahaad uu ka sameeyo Xaafado ka tirsan Magaalada Baladweyne, iyada oo dadka ay barakacayaan.

Xaafadaha Cabsida ay kajirto oo Biyo ay soo galeen ayaa waxaa kamid ah Xaafadaha Kooshin,Xaawa Taako iyo Dhagax-jebis iyo Xaafado kale,waxaana dadka qaarkood ay bilaabeen inay barakacaan.

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in cabsi badan ay jirto oo ku sabsan fatahaada Wabiga,xilli ay wadeen qorsho ku aadan inay dib u soo celiyaan dadkii fatahaada ka barakacay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!