Qoraal kasoo baxay hoggaanka Sare ee Ahlusunna Waljameeca ayaa waxaa lagu shaaciyay liiska Xildhibaanada Cusub ee laga siiyay Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug.
Qoraalkan oo kasoo baxay Xafiiska Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa waxaa lagu bandhigay 20-ka xubnood ee laga siiyay Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.
Sidoo kale Ahlusunna ayaa qoraalka ku sheegtay beelaha ay kasoo jeedaana Xildhibaan, kuwaasi oo la soo xulay, kadib markii dhawaan dowladda Federaalka iyo Ahlusunna heshiis ay ka gaareen Xildhibaanadan.