Maamule iskuul oo lagu dilay xalay Magaalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Koox hubeysan ayaa xalay macalin iskuul waxaa ay ku dileen  Xaafada Coca Cola ee degmada Yaaqshiid  ee Gobalka Banaadir.

Marxuumka  la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Xuseen Maxamed Xuseen.

Dadka Deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay Marxuunka uu ahaa Macalin iskuul oo ku yaala Degmada Yaaqshiid.

Kooxda Dilka fulisay ayaa waxaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen.

Ilaa iyo hada lama oga Sababta loo dilay Marxuumka.

Mana jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Booliska Soomaaliya.

Muqdisho ayaa marar qaar waxaa ay marti gelisay dilal iyo qaraxyo oo masuuliyadiisa ay sheegtaan dagaalamaayasha Al-Shabaab.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!