Maamulayaal Iskuul Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Dilka Maamulayaashaan ayaa waxa uu Salaadii Maqrib kadib ee Caawa uu ka dhacay Xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hurwaa gaar ahaan halka lagu Magacaabo Buurka.

Dadka Xaafadaas ayaa u sheegay warbaahinta in Rag hubeysan ay dileen Maamulaha Iskuulka Alfuraad iyo ku xigeenkiisa,isla markaana laga qaatay Qalab ay wateen,sida Mobelo iyo Computero.

Maamulaha la dilay ee Iskuulka AlFuraad ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi Xasan halka Maamule ku xigeenka lagu Magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Xasan,isla markaana dadkii ka dambeeyay dilkooda ay baxsadeen.

Weli macada dadka ka dambeeyay dilkaas,balse waxaa dadka qaarkood ay shegeen in loo maleynayo iany ka dambeeyeen Kooxo burcad ah oo ka qaatay Agabkii ay wateen sida Mobelo iyo Computero.

Dadka ka agdhow halka uu dilka ka dhacay ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomalaiya ay Goordhow gaareen halka dilka uu ka dhacay.