Ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa madaafiic aan tiro ahaan la garan karin waxa ay saacadihii la soo dhaafay gaar ahaan xalay isku weedaar-sadeen degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.
Dadka degaanka ayaa waxa ay MOL u sheegeen inta ay madaafiicdan socotay in sidoo kale ay maqleen rasaas goos goos ah oo labada dhinac ay kala ridayeen.
Waxaa la sheegay madaafiicdan ay is weedaar-sadeen Somaliland iyo Puntland in ay geysteen khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadan iyo dadka rayidka ah.
Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno degaanka Tukaraq ayaa waxa ay sheegayaan in saakay xaaladu ay tahay mid degan, balse waqti walba la filan karo in dagaal uu dhaco, maadaama dhinacyadan ay weli is hor fadhiyaan.
Labadda maamul ayaa wali waxa ay ciidamo ku soo daad guureynayaan degaanka Tukaraq, waxaana sidoo kale jira baaqyo ay wali dirayaan waxgaradka labada dhinac.
Colaada ka taagan degaanka Tukaraq ayaa waxay u muuqataa inaan weli laga gaarin natiijo sax ah, baaqyo nabadeed oo la soo saaray kadib weli waxaa taagan xiisad dagaal, oo u dhaxeysa labadan maamul.