Qoraal ka soo baxay Taliyaha Nabad Suggida Maamulka Hirshabelle C/laahi Axmed Abdi Wehliye, ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday Taliyihii Nabad Suggida Gobolka Hiiraan iyo kan Magaalada Baledweyne.
C/qaadir Maxamuud Abuukar oo ahaa Taliyihii Nabad Suggida Gobolka Hiiraan ayaa xilkii laga qaaday, waxaana lagu bedelay Cabdi Maxamed Cali Aweys.
Sidoo kale waxaa la magacaabay Colaad C/laahi Xasan oo loo magacaabay Taliyaha Nabad Suggida Magaalada Baledweyne, sida qoraalka lagu sheegay.
Dhawaan waxaa Xilka qaadis sameeyay Maamulka koonfur galbeed iyago xilka qaadistaasi ay ku dhacday Taliyihii Magaalada Beydhaba oo Xilkiisii waregto logaga qaaday.