Dowladda Federaalka Somaliya ayaa wajaheyso eedeymo ka dhan ah in ciidamo federal ah aysan geynin magaladda gaalkacyo oo ay xaaladdeeda amni faraha ka baxday bilihii lasoo dhaafay.
Gaalkacyo waxaa bilahii lasoo dhaafay ka dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay xubno ka tirsan maamulada Puntland iyo gal-mudug iyo kufsi uu daba socdo dil arxan darro ah oo loo geystay gabdho aan wali qaan gaarin.
Dilkii ugu dambeeyey magaalada Gaalkacyo waxaa xalay salaaddii cishaha loogu geystay Maxamed Cabdi Kheyre oo ku magac dheera Vimto kana mid ahaa shaqaalaha Qaramada Midoobay.
Nabadoon Cali diiriye (Aloore), oo kamid ah wax garadka gobolka Mudug oo la hadlay Warbaahinta ayaa dowladda Somalia ugu baaqay inay Gaalkacyo usoo dirto 1,000 askari oo Somali ah kana madax banaan qabiil.
Taas beddelkeed nabadoonku waxa uu ciidamada Puntland iyo kuwa Gal-Mudug ee hadda ku sugan magaalada Gaalkacyo ku tilmaamay inay yihiin ciidamo qabiil oo aan wax badan ka qaban Karin xaladda amni ee magaalada Gaalkacyo.