Maalintii sadaxaad ayaa dagaal culus ka socdaa magaalada Laascaanood

Reading Time: < 1 minute
Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaarayo magalaada Laascaanoood, dhawr jiho ayay xabbaddu ka socotaa maanta, waxaana la sheegayaa in dagaalka maanta  uu ka culus yahay kuwii labadii maalmood ee la soo dhaafay.
Xoogga dagaalku wuxuu ka socdaa, kuna wajahanyahay saldhigga millatariga Somaliland ku leeyihiin Bariga magaalada ee Goojocadde, saldhiggaasi oo ka mida fadhiyada waaweyn ee ciidanka Somaliland ku leeyihiin gobolka Sool.
Dhimasho iyo dhaawac badan ayaa ka dhashay dhawrkii maalmood ee dagaalkaadi socday, kuwaasi oo ay ku jiraan carruur iyo haween ay haleeshay madaafiic ay rideen millatariga Somaliland, waxaana burburay hanti badan oo ah guryo dad shacab ah ay leeyihiin.
Dhanka kale, Abaabul dagaal iyo diyaar-garow xooggan oo ka dhan ah Somaliland ayaa sidoo kale saaka laga dareemayaa guud ahaan Gobollada SSC oo ay u horreeyaan Dhooddi iyo Nugaal.
Garaad Jaamac Garaad Cali oo mar sii horraysay hadlay ayaa sheegay in Ciidamo sooc ah oo ka soo jeeda Beesha Isaaq ay ku soo duuleen Carra Dhulbahante islamarkaana ay dagaal isaga kicinayaan.
” Waxa nala dagaallamaya waa sooc Beesha Reer Shiikh Isxaaqa oo soo duulay. Annaguna waxaan difaacaynnaa dadkeenna iyo ciiddeena” ayuu yiri Garaad Jaamac.
Dagaalka ayaa u muuqda mid sii ballaaranaya marba marka ka danbaysa waxaana gebi ahaanba fashilmay dadaalladii Nabad-raadinta.