Maalinta La-dagaallanka Musuq maasuqa oo Magaalada Garoowe laga xusay.

Reading Time: < 1 minute

Munaasabad ballaaran oo lagu xusay Maalinta Caalamiga ah ee la-dagaallanka Musuq maasuqa oo ay soo agaasintay hay’adda Astaynta Maamul Wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuq Puntland,

sidoo kalena ay gacansiisay hay’adda UNDP ayaa Maanta lagu qabtay xarunta Cilmi Baarista, Nabadda iyo Horumarinta Puntland(PDRC) ee magaalada Garoowe.

Munaasabadda waxaa ka soo qaybgalay Sii hayaha Wasiirka caddaaladda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya,qaar kamid ah wasiirada caddaaladda dowlad goboleedyada dalka,Saraakiil ka socotay hay’adda UNDP,

taliyaha ciidanka Asluubta Puntland,ururada bulshada rayidka ah ,ganacsato,isimo,culimo iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha hay’adda Astaynta Maamul Wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuq Puntland,Cabdiraxmaan Cali Guureeye oo ka warbixiyey dadaalka hay’addiisu ugu jirto cirib-tirka Musuq maasuqa ayaa sheegay in ay ku jiraan halgan lagu dabar-goynayo Musuqa,wuxuuna codsaday in lagu gacansiiyo ol-olahooda,si gebi ahaanba loogu guulayso arrintaan.

Wasiirka Caddaaladda Dastuurka iyo Arrimaha Diinta Jubaland Aaden Ibraahim Aw-xueen oo ku hadlayey magaca dowlad goboleedyada dalka,

ayaa sheegay in mas’uul kasta oo ku tegri-fala hantida umadda uu Musuq maasuq ku kacay,siadaasi darteedna ay waajib tahay in laa kashifo,islamarkaana dadweynaha hortooda lagu ceebeeyo.

Sii hayaha Wasiirka caddaaladda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Abuukaate Xassan Xuseen xaaji oo munaasabadda soo xiray ayaa dhankiisa sheegay in Musuq maasuqa laga bixi karo,

haddii la tayeeyo hay’adaha garsoorka dalka,isagoo tilmaamay in haddii caddaalad la helo aan musuq maasuq jirayn.