Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho, ayaa maanta xiran, waxaana ku sugan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo gaadiidka dagaalka ku jaray wadooyinka.
Isgoysyada, Howlwadaag, Tarabuunka, wadada KPP illaa Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho, dadkana waxa ay yihiin kuwa lugeynaya.
Gaadiidka dadweynaha ayaa saakay waxaa loo diidayey iney kasoo gudbaan dhanka wadada Wadnaha, soona aadaan dhanka wadada Makka Al-mukarrama.
Boqolaal ka mid ah dadka reer Muqdisho ayaa lagu geynaaya Wadooyinka Magaalada Muqdisho, maadaama aan la ogoleyn in wadooyinka ay maraan Gaadiidka dadweynaha.
Waa maalintii labaad oo ay xiran yihiin Wadooyinka Muqdisho, waxaana sababta lagu sheegay in ay tahay in wali lagu jiro Howlgalkii Qaraxyadii Arbacaddii Habeenkeedii ka dhacay Muqdisho.