Ma Wasiir Maareeye ayaa Qaran-Dumis ah Misa Somaligii  Su’aal Qaran Weydiya ayaa ah? Akhriso.

Reading Time: 2 minutes

Dowladda NN oo kalitalsinimo ku sii urureysaa waxay sii yeelaneysa Maqaar Khafii ah oo aan wax su’aal ah la weydiin Karin, hadii aad weydiisana waxaa tahay “Qaran Dumis, Af Miishaar, Dib-u socod, NN diid iwm”

Wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa waxaa uu qeyb galay kulan ay dhallinyaro su’aalo ku weydiinayeen madaxda NN qaar ka mid ah. Hasa yeeshee wasiirka oo aan waligiis yeelan habdhaqan dowladnimo, kana korin taariikhdiisii guulwadeynta ayaa waxaa si handadaad, aflagaado, hanjabaad iyo afjigeyn ugu jawaabay nin dhaliyaro ah oo su’aal saliim ah weydiiyey wasiir Maareeye.

Waasiirka oo xuurtoonaya oo aad moodo inuu u ordayo inuu jawaab degdeg ah ka bixiyo su’aashii u dambeysay iintii aysan kheyre gaarin ayaa ku yiri wiilkii “ … inta waa ku waafaqsanahay oo wuu ku hali karaa” ayuu ku bilaabay hadalkiisa, isagoo muujinaya in qofka Somaliga ah ee wasiirrada NN la hadlayaa uusan ra’yigiisa six or ah u cabiri oo ay jiraan waxyaabo ka reeban inuu ku hadlo.

Haddaba Maareeye noo sheeg muxusan ku hadli Karin Somaliga dhallinta yar, aqoonyahanka ah, ee ay xukuumadda aad ka tirsan tahay dhibtay  oo su’aal ka qaba xaqdarada loo geystay dhallinyarada dalka? Wuxuu yiri Maareye “ Wuu ku khaldamay tan uu yiri cidi nooma maqna, been tiis weeye annakaa u maqan , dalkaan dawlad buu leeyahay, afkii dowlad dumiska weeye waxaad ku hadashay Cabdikariin, ma adigaa u maqan haddii aysan dowlad u maqneyn … Dowladda NN ayaa Nabad ugu Maqan, iyadaa amni ugu maqan, iyadaa waxbarasho ugu maqan …..” ayuu maareeye oo margiyo taagayaa  ka yiri iyadoo goobtaas lafteeda seddex jeer isla maalintaas lagu kala cararay qajaf oo yar oo la maqlay darteed.

Waxyaabaha xanuunka leh waxaa la mid ah marka dal ay wasiirro u yihiin sakhsiyaad aan marnaba caqliga ka korin oo wali aaminsan in la joogo xelligii ay Guulwadaha ahaayeen ee reerkooda ka soo xuraami jireen.

Wasiir maareeye ma garan karo in xelligii guulwadeynta laga soo gudbay oo qofka ra’yigiisa Xamar ku cabiraa uusan qaran dumis ahayn ee wasiirka ka jawaabi waaya su’aalaha shacbigiisa ay weydiiyaan ayaa qaran dumis ah.

Waa kee wasiirka macanaha leh ee dowladdaan Xasan Kheyre ku jiraa ee deganaan, hogaamin, fogaan arag iyo maamul yaqaanna ah ? Bal adinkuba mid mid u eega, Waa Mareeye, waa Godax, Waa Beyle B, Khadiijo Ilkacas, waa Sadiiq  iwm oo uu hormuud Kheyre oo intaasba la wadaaga iyaga ha laakiin kaga daran islweynida doqonimo iyo beenta afka lagu ballaariyo.

Waxay ahayd in isla saacadaas la casilo maareeye oo la yiraahdo iska joog inta  aad ka koreysid oo aad mas’uuliyad qaran u qalmeysid. Waxaa la hubaa in markii uu kheyre iyo Farmajo u tagay la bogaadiyey.

Inkastoo lagu sheego inuu haysto shahaadooyin sida Master-ka oo uu ka diyaariyey Bussinse Administration iyo Diploma Political Science iyo Diploma Bussinse Accouting, haddaba intaasba wasiirka wax caqli ah ugama kordhin oo waa shskhsiga sidaas ugu jawaabaya qof su’aal sax ah weydiiyey,  waxaanu ka mid  yahay dadka marka ay hadlayaan codkiisa dadka uu la hadlayaa ku didiya oo aan kala aqoon erayda uu leeyahay ee masuul isaga oo kale ah ka iman kara iyo kuwa uu dhaafayo oo aan munaasib ku ahayn qofka sida xilka sida khaldka loogu dhiibay.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!