Ma u Qalmaa In Xasaanad La siiyo Madaxweyne Dacwado Loo Haysto

Reading Time: 2 minutes

Sida uu qabo distuurka dalka, walow uu Farmajo diiday inuu dalka iyo dadka Somliyeed ku dhaqo markii uu talada hayey mantana uu rabaa in isaga lagu dhaqo, ayaa haddana waxaa baraha bulshada wareegaya inuu xaq distuuri ka maqan yahay, kaas oo ah inuu xubin buuxda ka noqdo golaha shacbiga isla markaana ay u bisalaato xuquuqo maaliyeed oo arrintaas ka dhalanaya.

Hasa yeeshee,  markii aannu dabagallay arintaan waxaa noo soo baxday inay sax tahay inuusan weli helin xuquuqdaas uu leeyahay Madaxdweyne hore oo xilka wareejiyey. Xubno Golaha shacbiga ka tirsan iyo sharciyaqaanno oo aan wax ka weydiinnay waxay noo sheegeen in ay jiraan dacwado loo haysto M. Farmajo oo la sugayo inay soo dhamaadaan si Madaxweynihii hore Farmajo uu u helo xuquudaas.

  1. Farmajo waxaa lagu haystaa kiisas dacwadeed oo maxkamado ka hor yaalla kuwaas oo uu sharciga qabo inuu iska nadiifiyo ka hor inta uusan noqon xubin sharafeed golaha shacbiga ka tirsan, taas oo siineysa xasaanad uu dembiyada qaar kaga baxsado ama ku daahiyo waana sababta aan ilaa iyo hadda loo marsiin jidkii uu ku heli lahaa.
  2. Farmajo waxaa maxkamadaha ka hor yaalla dacwado muhiim ah sida:
  3. Dacwadda Maqnaanshaha Ikraan Tahliil Faarax oo aan la ogeyn meel ay jaan iyo cirib dhigtay muddo sannad ka badan. Gabadhaas oo u shaqeynaysan dowladda gaar ahaan NISA waxay ku maqan tahay gacanta dowladdii uu hogaaminayey. Ma jirto baaris cadeyneysa inuu ka beri yahay MW Farmajo iyo in kale.
  4. Waxaa intii dowladdiisa jirtay la weeraray Xildhibaan Cabadiraxman Cabdishakuur oo aan xeligaas ah an xubin Barlaman ahayn waxaana gurigiisa lagu dilay askar ciidan Somaliyeed ahayd oo dowladda u shaqeyneysay welna si sax ah looma baarin loomana caddeyn cidda soo amartay iyo lugta uu Madaxweyne Farmajo ku leeyahay dhismashada askartaas .
  5. Waxaa hoygiisa lagu weeraray Senetor Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ah xubin aqalka sare ahaa, taas oo ahayd dil loo qorsheeyey sida ka muuqatay qaabka weerarka u dhacay iyadoo welib la sheegay in ciidankii guriga weeraray soo diyaarsadeen Ambalanskii lagu qaadi lahaa meydka, waana naxdin. Haddaba lama oga ilaa iyo hadda ogaalka iyo lugta u uku leeyahay MW Farmajo.

Dhamaan dacwooyinkaan waxay hor yaallaan maxkamadaha dalka waxayna sugayaan in garmaqal loo sameeyo oo la dhageysto, taasina waxay dan ugu jirtaa MW Farmajo si uu magaciisa u nadiifiyo waayo marka dil laguugu tuhmayo xataa dalka kama dhoofi kartid wana sababta hortaagan in MW Farmajo uu helo xaqii Madaxweyne hore iyo mansabkii uu mudnaa Madaxweyne hore.