Ma runbaa in MW Saciid Deni  uu Golahiisa Wasiiradda u badiyay Xigto iyo Xigaalo? (Warbixin)

Reading Time: 2 minutes

Madaxweyne Saciid Deni ayaa Ilamaa iyo intii uu magacaabay golahiisa Wasiirada waxa la isla dhaxmaraayay in uu Golihiisa cusub ee Wasiiradda ee  laga sugaayay in ay ka tarjunto qabaa’ila degan Puntland  uu intoodii ugu muhimsanaa Golaha Wasiirada uu u magacaabay dad ay Xigto iyo Xigaalo yihiin. Hadaba MOL ayaa waxa ay u guurgashay waxa  runta ka ah eedayntaas loo soo jeediyay Saciid Deni. Nasiib xumo waxaa MOL soo xaqiijisay  in MW Saciid Deni uu ku tagri-falay mas’uliyidii loo dhiibay ee la yiri cadaalad ku maamul.

Halkaan ka qariso dadka ehelka ah ee uu Saciid Deni u magaacabay Golahiisa Wasiiradda.

  1. Wasiir kuxigeenka Kaluumaysiga & Khayraadka Badda C/khaaliq Maxmed Maxamuud Qulixiya (wuxuu qabaa madaxweyne Deni walaashiis Shukri C/lahi Deni, Beeshiisa Ismaaciil Saleebaan)
  2. Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Isgaarsiinta & Dalxiiska C/salaam Xaaji Saciid Faarax (waxaa dhashay madaxweyne Deni eedadii wuxuuna qabaa Muno C/laahi Deni, Beeshiisa Warsangeli)
  3. Wasiir kuxigeenka Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Iskaashiga Caalamiga ah Yaasiin Mire, (walaalkiis oo la yiraahdo Siciid Mareero wuxuu qabaa madaxweyne Deni ina Abtidi wuxuuna qayb wayn ka qaatay ololihiisii doonitaanka madaxweynaha Puntland, Beeshiisa Dashiishe)
  4. Wasiirka Amniga & DDR C/samad Maxamed Galan (wuxuu qabaa madaxweyne Deni ina abtidi oo ay oryo walaal yihiin Siciid Mareero, Beeshiisa Cali Saleebaan)
  5. Wasiir ku xigeenka Dekedaha & Gaadiidka Badda Yaasiin Cartan Maxamed (waxaa dhashay madaxweyne Deni eedadiis, Beeshiisa Cali Jibraahiil)

Dhanka kale waxaa iyada lagu eedeeyay MW Deni in magacaabista Golahiisa Wasiiradda uu qaybta ugu wayn ka qaatay ninka lagu magacaabo Maxamuud Shido  oo u muuqda in uu yahay shaqsiga gadaal ka maamulayo Dowlada Saciid Deni.  Shido ayaa ku soo daraya Golaha Wasiirada saaxiibo iyo xigto isaga xulafo la ah.

Dhanka kale Salaadiinta Cismaan Maxamuud ayaa iyagana iska fogeeyay in ay wax ka ogyihiin magacaabista Golaha Wasiiradda. Mid ka mida salaadiinta oo MOL la hadashay ayaa sheegay in golaha wasiirada ay maamusha beesha degta Garowe, taas oo micnaheedu yahay Faraoole iyo beesha Ciise Maxamuud ayaa sameeysatay dowlada Deni iyaga ayaana sida ay doonaan ugu takri falaya.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!